Waxaa mar kale dib u qarxay dagaal u dhaxeeya laba beelood oo kasoo jeeda Gobolka Galgaduud, iyadoo falkii ugu danbeeyay lagu dilay wiil 12 sano jir ah.
Dilka allaha u naxariistee Ayaanle Cabdisalaan Jaamac oo kasoo jeeda Goldogob ayaa waxaa geystay dabley beeleed oo la sheegay inay kasoo jeedaan degmada Cadaado, iyagoo ku weerarray degaan ku dhow Caabudwaaq.
Wararka ayaa sheegaya in Dilka Ayaanle loo adeegsaday Faas, iyadoo si aragagax leh loo galay jirkiisa, waxayna arrintaan ayaa daba socota dilal aano qabiil ah oo maalmahan ka socday Gobollada Mudug iyo Galgalgaduud.
Dilal kale oo salka ku haya aano qabiil ayaa shalay iyo xalay ka dhacay gobolka Galgaduud, iyadoo lagu dilay laba walaallo ah, waxaana sidoo kale dhowaan degmada Galdogob ka dhacay dil naxdin dhaliyay oo loo geystay nin baahiyaha gaarka ah qaba oo muuqaal laga duubay lagu baahiyey baraha bulshada.