Saturday, May 18, 2024

Saafi Ciise: Haweeneydii Alshabaab u kala gudbin jiray hubka iyo Miinooyinka (Akhriso Qisadeeda)

Haweeney lagu eedeeyay inay ka tirsaneyd Alshabaab ayaa maanta lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay inay Alshabaab u qaabilsaneyd kala gudbinta hubka iyo qaraxyada.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Saafi Ciise Arwaax ayaa saraakiisha denbi baarista u sheegtay sidii ay ugu biirtay Alshabab iyo waxa ku kalifay, waxayna inay ku qalqaalisay haweeneyd deris la ahayd oo ninkeeda uu ku dhintay qarax uu farsameynayey.

Waxay sheegtay in sanadkii 2018 ay ku biirtay Alshabaab, iyadoo qaabilsaneyd kala gudbinta hubka fudud oo ay maleeshiyada Alshabaab ku howlgalaan, waxayna intaas ku dartay inay kooxda ku biirsiay haweeney ay deris ahaayeen oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay,

Ad

Saafi Ciise waxay sheegtay inay soo martay duruufo kala duwan sida inay soo martay laba guur oo fashilmauy, kadibna ay Alshabaab ku biirtay, iyadoo ka tegi jirtay xaafado fara badan oo ku yaalla cirifyada magaalada Muqdisho, iyadoo kala gudbineysa Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, Qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, iyadoo caddeysay in xiriiriyaha shabakadda laga hagi jiray banaanka magaalada gaar ahaan, degaanka Mubaarak.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON