Sunday, May 5, 2024

Garoonka magaalada Beledweyne oo xirmay & Diyaarado gargaar iyo wafdi kusii jeeday oo baaqday

wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in garoonka Ugaas Khaliif ee magaaladaasi uu mar kale xirmay kadib markii ay xalay ka da’ay roob.

Garoonka Beledweyne ayaa xirma mar kasta oo uu roob ka da’o gobolka Hiiraan, taasoo ay ugu wacan tahay biyo fariista iyadoo uu garoonku yahay mid jaay ah oo aan si fiican u dhisneyn, ayna daadad ku soo rogaan buuraha Janta-kundishe ee u dhow, waxaana uu dib u furmay maalmo ka hor kadib markii uu xirmay bilowgii fatahaadda ka dhacday magaaladaasi,

Diyaarado gargaar badan u sida magaalada iyo wafdi yo kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayey inay ka degaan magaalada Beledweyne, waxaana laga digay inuusan garoonku diyaar u yahay inay diyaarado ka degaan ama ugu yaraan u baahan yahay maalin uu ku qalallo.

Ad

Gurmadka ayaa xowli ku socda, iyadoo ay hadda soo bilowdeen gargaar ka imaanaya dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo garoonka ugu dhow uu yahay garoonka magaalada Guriceel.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON