Saturday, June 21, 2025

Turkiga oo gacanta ku dhigay haweeney 65 sano jir ah oo la dhalatay hoggaamiyihii Daacish ee Abubakar Al-Baqdadi

Ciidamada Turkiga ee ku sugan waqooyiga dalka Syria ayaa gacanta ku dhigay haweeney la dhalatay hoggaamiyihii Daacich ee Abuubakar Al Baqdaaddi oo dhawaan is dilay markii ciidamada Mareykanka weerar ku qaadeen Guri uu ku dhuumaaleysanayey.

Sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga oo magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegey in ciidamadooda ay soo qabteen gabadhaa la dhalatay Baqdaadi, kadib howl gal ka dhacay meel u dhow magaalada Azaz ee waqooyiga Siiriya.

Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegey Rasmiya Cawad, waxana la tilmaamay inay dhalatay 1954-tii, waana 65 sano jir, iyadoo lala xiray ninkeeda, gabadh ay soddoh u tahay iyo shan caruur ah. Sarkaalka ayaa sheegey in seddex ruux oo qaan gaar ah hadda la wareysan doono, si looga helo xogo ku saabsan kooxda ISIS.

Ad

Magaalada Cazaaz, ayaa waxa maamula ciidamada Turkiga tan iyo sanadkii 2016, markaas oo ay ciidanku weerar ku qaadeen aaggaasi.

Turkiga ayaa rajo badan ka qaba in sir badan iyo xog ay ka heli doonaan haweeneydan iyo xubnaha la socda oo ka mida ururka Daacish iyo hoggaamiyahooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON