Tuesday, May 21, 2024

RW Rooble oo difaacay Habraacii khilaafka dhaliyey ee Golaha Shacabka iyo Ballanqaad uu bixiyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal FIET, Heer Dowlad Goboleed SIET Iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, isagoo faahfaahin ka siiyey habraacyada Doorashada.

Rooble ayaa caddeeyay sida ay ku dhaceyso Qaabka soo xulista ergooyinka, kaalinta Odayaasha Dhaqanka, awoodaha Guddiyada doorashada iyo wadashaqeyntooda, isagoo lama taabtaan ka dhigay qoondada haweenka.

Wuxuu sheegay in Habraacii Doorashada Golaha Shacabka ee soo baxay 24 Ogost 2021 in lagu saxay cidda soo xuleyso ergada oo la is weydiiyay cidda hubineysa markii loo baahday in la ogaado cidda hubineysa.

Ad

“Waxaa la isku raacay in dowlad Goboleedka iyo Rooble laga saaro hubinta oo loo dhiibo Guddiga Heer Dowlad Goboleed oo SEIT-ka ah..” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble oo sidoo kale ka hadlay inuu soo faragelinayo wixii khilaaf ah oo yimaada.

“Waxaa laga yaabaa inaysan shacabku famhmin oo ay ku wareereen.. Beesha waxaa laga yaabaa tusaale ahaan inay leedahay 3 kursi. Kursiga waxaa dooranaya 101 oo beeshaasi ah.. Yaa soo xulaya..? waxaa soo xulaya Duubabka, odayaasha dhaqanka iyo ururadda bulsahda rayidka ee beeshaas, waxaana hubinaya waa SEIT-ka-Guddiga Doorashada heer Dowlad Goboleed” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.

Isagoo ka dhalayey habraaca khilaafka ka dhashay ayuu sheegay in la casriyeeyay Doorashada oo hoos loo daadejiyey. “Awal hal oday ayaa mas’uuul ka ahaa soo xulista ergada, laakiin hadda odayga wuxuu toos u hoos tegayaa beeshiisa.. cid ku faragelineysa ma jirto, iyagaa soo xulanaya ergadooda” ayuu yiri Rooble.

- Advertisement -

Wuxuu qeexay cidda loola jeedo Bulshada rayidka oo sida uu sheegay kala ah: Mid ka mida culimaa’udiinka, mid ka mida, haweenka, iyo Dhalinyarada Isboortiska, xaq ayey u leeyihiin inay ka mid noqdaan dadka soo xulaya.. laakiin ogaada mar kasta xusuusta qoondada haweenka waa lama taabtaan”

“Waxaa la kulmay dhammaan dadka ay quseyso. Musharixiinta waxay ii soo gudbiyeen cabasho sida in la caddeeyo cidda ay yihiin odayaasha dhaqanka.. Doorashada Golaha Shacabka waa xasaasi inay u dhacdo si xaq iyo xalaal ah.. tuhunka kale ee ay keentay ee ah in musharaxa iyo ergada waa inay maraan CID.. waa waajib in la baaraan, mana noqon karto isbaaro caqabad loogu dhigto, isha ayaan ku heynayaa..” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Arrinta Somaliland ayuu sheegay inuu la shaqeynayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, isaguna ay soo xulayaan, kana hubin doona isaga, isaguna uu dhexdhexaad ka yahay, sida uu yiri.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON