Horjoogihii Alshabaab ka tirsn, una qaabilsanaa dhinaca Caafimaadka ee Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan Galmudug.
Horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Cali Ibraahim ayaa mudo dheer Alshabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud, wuxuuna isu dhiibay Ciidamada Gorgor ee Galmudug ka howlgala, sida tebisay warbaahinta dowladda.
Cali Ibraahim ayaa laga soo xigtay inuu ku qanci waayay dhibaatada kooxda Alshabaab ku heyso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kasoo baxsaday degmad Ceelbuur, isagoo ayaa xalay saqdii dhexe gaaray Degaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb.
