Tuesday, April 30, 2024

Maxay Ciidamada Mareykanka uga tageen Garoonka Diyaaradaha magaalada Kaabul..? (Arag yaabkan)

Ciidamada Mareykanka ayaa isaga baxay dalka Afghanistan, iyadoo xalay ka hor habeen barkii xilliga dalka Afghanistan 31 Ogost 2021 ay ciidamadii ugu danbeeyya ee Mareykanka isaga huleeleen dalkaasi.

Waxaa la yaab lahayd in ciidamada Mareykanka ay Garoonka uga tageen Eeyo nool oo ahaa kuwa tababarran ee ay kireystaan ciidamada Mareykanka, kuna howlgalaan, iyadoo nolosha Eeyahaas ay u doodayaan hadda shirkadaha xuquuqda Xayawaanka iyo saxaafadda reer Galbeedka qaarkeed.

Tirada Eeyaha tababarran ee ciidamada Mareykanka la shaqeyn jiray ciidamada Mareykanka, balse xalay looga tegay Garoonka magaalada Kaabul, iyadoo sanaadiiq loogu talogalay ku xiran ayaa tobaan ama ku dhow 40; waxaa sidoo kale ay Mareykanka ka gaari waayeen oo ay uga tageemn dalkaasi 200 oo rayid ah oo la shaqeynayey iyo Qalab milatari oo fara badan.

Ad

Warka ku saabsan xayawaanka Eeyaha ah ee looga tegay Garoonka magaalada Kaabul ayaa noqday warka ay buunbuuniyaan saxaafadda kooxaha Caddaanka Cunsuriga ah ee Midigta, waxayna arrintan timid, iyadoo Daaliban u dabaaldegtay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa reer galbeedka ay si buuxda uga baxeen Afghanistan kadib ​​20 sano oo ay dalkaasi haysteen.

Tallaabooyinka kale ee ay ku dhaqaaqeen ciidamada Mareykanka iyo Afghanistan ee la socday waxaa ka mida inay burburiyeen Qalabkii garoonka, ay jejebiyeen Shaashadihii duulimaadyada iyo qeybihii Garoonka Hamid Karzai ee magaalada Kaabul, oo loogu tegay burbur iyo qalab fara badan oo milateri oo daadsan meel kasta

Sidoo kale wuxuu Mareykanka uga tegay Garoonka Hamid Karzai ee magaalada Kaabul ilaa 70 baabuur oo ah kuwa Gaashaaman ee iska difaaca miinooyinka, 27 gawaari oo nooca ciidamada ee Humvees iyo 73 diyaaradood oo kala duwan, kuwaasoo qalab badan laga furtay, howlgabna lag dhigay. Waxaa kaloo ay ka tageen boqolaal jaakadaha Milateriga xirtaan.

- Advertisement -

General Frank McKenzie, oo ah madaxa taliska dhexe ee Mareykanka, ayaa sheegay in diyaaradda ‘milatariga laga saaray waxtarkii,’ ama laga dhigay kuwo aan waxtar lahayn, ka hor inta aysan ciidamada Mareykanka ka bixin dalkaasi.

Ciidamadii Mareykanka ayaa curyaamiyay dhammaan diyaaradaha, Gawaarida Gaashaaman iyo Nidaamka difaaca Gantaallada oo tiknoolajiyad sare leh ee halkaasi yaallay, sida uu sheegay Jeneraal Mareykan ah. Daaqadaha Diyaaradaha ayey burburiyeen, Qalabka ayaa si kas ah looga jejebiyay, iyadoo taayirrada diyaaraddaha laga toogtay.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka tagay, markii uu naafeeyay nidaamka C-RAM oo ah Gantaalaha, ks hortaga, kaasoo loo adeegsaday in looga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha weerarrada dibadda uga imaanayey.

Afghan Air Force's A-29 attack aircraft and armoured vests are left on the ground inside a hangar at the airport in Kabul
Taliban fighters sit in the cockpit of an Afghan Air Force aircraft at the airport in Kabul in the hours following the US departure
Badri 313 units post for the cameras at Kabul airport today, carrying American-made rifles and wearing US military gear
Taliban fighters stand guard at the Hamid Karzai International Airport after US troops departed following a 20-year campaign in Afghanistan
A Taliban fighter takes a picture of a damaged MD 530 helicopter that was abandoned at Kabul airport by retreating troops
An American MRAP vehicle is pictured at Kabul airport alongside other armoured vehicles after falling into Taliban hands
A Russian Mi-17 helicopter is pictured alongside Taliban fighters after it was seized from retreating western troops
Taliban fighters inspect a US Humvee at the airport in Kabul, after seizing a huge number of vehicles from western forces
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON