Wednesday, May 22, 2024

Qeybo ka mida Magaalada Mandhera oo laga qaxayo & Ciidamo badan oo Jubbaland ku abaabuleyso.

Wararka laga helayo magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa sheegay in dad magaalada, siiba qeybta saaran xuduudka Soomaaliya ay bilaabeen inay barakacaan, kadib markii ciidamo badan oo Jubbaland taabacsan ay halkaas ku soo bateen.

Dadka qaxaya ayaa sheegay inay dagaalkii dhowaan xuduudka Soomaaliya ka dhacay uu saameyn ku yeeshay, ayna halis ku galeen, iyadoo qaarkood dhaawac kasoo gaaray, haddana ay ka cabsi qabaan inuu dagaal kale dhaco, iyadoo u qaxaya degaanada ismaamulka Mandheera sida Carabiya, Raamu, Takaba, Khalaaliyo.

Ciidamo ka tirsan Jubaland ayaa xaaladda uga sii daray kuwaasoo Gaadiidkooda dagaalka la dhex maraya dhinaca Kenya ee magaalada Mandheera, wuxuuna

Ad

Guddoomiyaha Mandheera, Cali Ibraahim Rooba, ayaa shalay bartiisa Twiter-ka shaaciyey in ciidamada Jubbaland ay halis amni ku hayaan dadka Mandheera, wuxuuna yiri: “Ciidamada Jubaland waxaa ay dhex socdaan gudaha Mandheera, gaar ahaan xaafadda Bulla Jamhuri, arrintanna waxay khatar ku tahay amniga shacabka Kenyanka ee ku nool Mandheera, Dowladda Kenyanna waa inay wax ka qabato arrintan ama waxaa ka dhalan doonaa khasaaro nafeed,”

Waxaa jira xog sheegeysa in ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee taabacsan Wasiir C/rashiid janan ay abaabulayaan dagaal ay dib ugu qabsadaan magaalada Beledxaawo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON