Wednesday, May 1, 2024

Ra’iisal Wasaare Kheyre: “45 Milyan Doolar ayuu Bankiga Adduunka kusoo shubay Akoonka Dowladda..”

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dhaqaale ay dowladda Soomaaliya ka heshay Bankiga Adduunka, isagoo xalay Muqdisho ku daah furay munaasabadda 60 guurada xuska maalmaha xoriyadda oo ay ka harsan tahay 4 bilood.

Isagoo ka hadlayey waxqabadka dowladiisa ayuu Khudbadiisa ku sheegay Ra’iisal wasaare Kheyre inaan 3 sano ka hor qofna ku fekereynin inay imaan doonto dowlad awoodda bixinta mushaarka shaqaalaha dowladda bil kasta, ciidanka dib u habeysa, deynta ka cafiso, awoodda iyo sharafta iyo qaranimda umadda Soomaaliyeed dib u soo nooleysa, qofkana uu ku qanco Soomaalinimadiisa, sida uu yiri.

“Laba sano iyo bar ka hor ayaan u sheegay shacabka Soomaaliyeed inay naga horeyso jid barwaaqo ah.. afartan iyo shantii Milyan ee ugu horeysay Bankiga Adduunka Caawa ayuu ku soo diray Akoonka dowladda Soomaaliya…” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo aan faahfaahin ka bixin waxa ay tahay lacagtaasi deeq ama deyn.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre

Warkan ayaa ku soo beegmay iyadoo Bankiga Adduunka uu shaaciyey xalay in Dowladda Norway ay bixisay deyntii uu ku lahaa Soomaaliya, markaas kadibna la bilaabi karo deyn dib loo siiyo Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON