Friday, May 17, 2024

Q/Midoobay oo War kasoo saaray xaaladda Muqdisho iska hor imaadyada ka dhacay

Warr kasoo baxay Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay inuu aad uga welwelsan yahay iska hor imaadyada hubeysan ee xalay iyo saaka oo Jimce ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

UNSOM waxay ku baaqday in xaaladda la qaboojiyo oo dhinacyada dhammaan ku lugta leh ay is xakameeyaan; iyo in si degdeg loo furo xiriiro ay yeeshay dhinacyada si xaaladda kacsan hoos loogu dhigo.

“Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya wuxuu muujinayaa in iska hor imaadyada Muqdisho ay hoosta ka xariiqayaan sida degdegga ah ee loogu baahan yahay in dowladda iyo maamul Goboleedyada ay shir isugu yimaadaan, una gaaraan heshiis siyaasadeed oo lagu fuliyo hannaankii doorashada ee 17-ka Septembar” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON