Tuesday, April 30, 2024

Maxaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee Magaalada Muqdisho…?

Waxaa gudaha Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dhacay qarax sababay qasaare, iyadoo aan la ogeyn waxa dhaliyey qaraxaasi.

Qeyb ka mida garoonka ayaa la arkay iyadoo ay qiiqi iyo uuro ka kacayaan kadib madaafiicda ku dhacday, waxaana gudbtay qeybaha Ganacsiga ee gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxayna wararku sheegeen in Hoobiyeyal lagu riday Garoonka, ayna ku dhaawacmeen saddex qof.

Duqeyta lala beegsaday Garoonka Muqdisho ayaa timid iyadoo meel u dhow uu ka socda bannaanbax ay horkacayaan musharixiinta Madaxweynaha qaarkood, kaasoo rasaas lagu loo adeegsaday, waxaana la hakiyey shaqadii Garoonka.

Ad

Ra’iisal wasaarihii hore Xasann Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id ka sheegay in madaafiic iyaga lagu soo riday ay ku dhacday garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo ciidamada dowladda ku eedeeyay inay rasaas iyo madaafiic ku rideen, ayna ka dambeeyeen madaafiicda ku dhacday Garoonka Aden Cadde.

Sawirro laga soo qaaday Garoonka ayaa muujinaya inuu qasaare kasoo gaaray duqeynta oo ay ku burburtay qeyb ka mida Garoonka.

No photo description available.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON