Thursday, May 16, 2024

Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Hoggaamiye sare oo ka tirsan Alshabaab [Akhriso]

Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ee la raadinayo ku dartay saddex kamid ah Saraakiisha sare ururka Al-Qaacida oo ku jiro ku xigeenka Amiirka Alshabaab ee Soomaaliya.

Xubnaha Alqaacida ee liiska argagixisada Mareykanka lagu daray ayaa kala ah: Abukar Ali Adan oo ah Taliyaha ciidamada Alshabaab, waxayna Mareykanku ku sheegeen inuu yahay ku xigeenka Amiirka Alshabab;  Wanas al-Faqih oo ah hoggaamiye ka tirsan Alqaacidada Waqooyiga Afrika iyo Muhammad Al Ghazali oo ah hoggaamiye ka tirsan Alqaacidda Khaliijka Carabta.

Qoraalka Waaxda Arrimaha Debadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Abukar Cali Aadan uu yahay ku xigeenka Hoggaamiyaha Al-shabaab ee Soomaaliya. Horraantii Sannadkii 2010 Warbixin ay daabacday Reuters ayaa lagu xusay magaca Abukar Ali Adan, iyadoo xilligaas lagu sheegay Amiirka Al-shabaab ee Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Ad

2012 ayaa mar kale Sirdoonka Reer Galbeedka laga soo xigtay in Abukar Cali inuu yahay Amiirka Al-shabaab ee gobollada jubbooyinka oo ay xilligaas ku xoogganaayen Xagjiriinta Al-shabaab. Sannadkii 2014 ayaa Abukar ku biiray hoggaamiyaasha sare ee Al-shabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON