Tuesday, May 21, 2024

Madaxweynayaasha Galmudug & Hirshabeelle oo wadajir uga soo laabtay Itoobiya [Shariif Xasan oo..?]

Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dib uga soo  laabtay socdaal ay ku tageen dalka Itoobiya.

C/kariin Xuseen Guuleed Guuleed iyo Cali C/llaahi Cosoble ayaa magaalada Adis ababa ku tegay socdaal aam la shaacin ujeedkiisa iyadoo madaxda dowladda Itoobiya ay ugu yeertay la-tashi ku saabsan Doorashooyinka dalka.

Xogta laga helayo xubno ku dhowdhow madaxda ayaa sheegaya in Itoobiya ay dadaal ugu jirto in dib loo doorto madaxweyne Xasan Sheekh, arrintaas oo madaxda dowladda Itoobiya ay kala hadashay madaxda Soomaalida.

Ad

Labada madaxweyne ee Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la sheegay inay aqbaleen taageerada musharaxnimada Xasan Sheekh, waxayna xalay gaareen magaalada Nairobi iyadoo la filayo inay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamuka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isagu ka caga jiiday qorshaha Itoobiya, wuxuuna ku haray magaalada Adis ababa, halkaasoo kulamo dheeraad ah uu kula qaadanayo madaxda dalka Itoobiya, kadibna wuxuu u aaday dalka Sacuudiga.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON