Saturday, May 18, 2024

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Barlamanka oo khilaafkoodii soo shaac baxay

Khilaaf iyo kala shaki muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa isu bedelay mid rasmi ah oo dibadda u soo shaac baxay kadib markii  Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay si buuxa u aqoonsadeen doorashada Shariif Xasan Sh. Aadan loogu doortay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA
MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA

Madaxweynaha ayaa si hoose u waday shirka Baydhaba kadib markii guddigii qabanqaabada uu kala wareegay xukuumadda, waxaana muddo dheer jiray qorshe kooxda madaxweynaha ku doonayeen inay Shariif Xasan loo dhiibo maamulka Koonfur Galbeed kaasoo hore u fashilmay markii ay  ka hor yimaadeen dadka Baydhaba.

Guddoomiyaha Baarlamanka oo aan awood badan ku  taagneyn marka laga reebo guddoomiyenimada Baarlamaanka ayaa hadda u muuqda mid ay fashiliyeen kooxda madaxweynaha oo caddow  u arkaan, waxayna xubno ka tirsan xildhibaanada madaxweynaha ay si cad ugu hanjabeen inay mooshin ka keeni doonaan Prof. Jawaari  oo ay ku eedeynayaan inuu taageerayo Ra’iisal wasaaraha.

Ad

Waxaa jira qorshe kooxda ka horjeeda Shariif Xasan ay doorasho cusub iyo shir uga abaabulayaan Baydhaba, waxaase laga cabsi qabaa in ciidamada Itobiya-AMISOM ee ku sugan Baydhaba ay taageeraan Shariifka oo awood lagu maquuniyo kooxaha kale.

Goobjooge.com
Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON