Friday, May 3, 2024

Maxaa keenay inuu Baaqdo Shirkii MD. Xasan Sheekh isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran?

Waxaa dib u dhac ku yimid Shirkii Wadatashiga Qaran ee la filayay inuu maanta ka furmo Muqdisho, sida uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay inuu shirku u baaqday arrimo farsamo, dibna loo digay muddo kooban, isla markaana dib laga soo sheegi doono xilliga uu dhacayo.

Faahfaahin kale lagama bixin dib u dhaca shirka, balse warar laga helay mas’uuliyiin ku dhow madaxda dowlad Goboleedyada ayaa sheegaya inay arritan sababtay shaki soo kala dhex gala qaar ja muda Madaxda dowlad goboleedyadii ee tageersan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Maamul Goboleedyada Jubbaland, K/Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa xiriir dhow la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Puntland ay xiriirka u jartay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana laga cabsi qabaa inay dowladda Somaliya lumiso qaar ka mida afartii dowlad goboleed ee raacsanaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON