Saturday, October 12, 2024

Senator kasoo jeeda Somaliland oo kashifay Arrin kusoo korortay Kiiska C/naasir Dahable

Senator Cusman Abukar Dubbe ayaa shaaciyay eedeyn ku saabsan in jirdil loo geystay dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland oo u xiran kiiska Dilka C/Naasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Hay’adda Duuliska Rayidka ee Soomaaliya.

Qoraal uu Cusmaan Dubbe faafiyay ayuu ku sheegay in xildhibaanno dhowaan booqday dhalinyaradaasi ay kusoo arkeen in loo geystay tacadi iyo iyo jirdil, taasoo uu ku tilmaamay wax laga argagaxo.

“20 maalmood kahor taliyaha hoggaanka CID da Kornayl Muxiyaddiin wuxu xafiiskiisa dhexdiisa iigu sheegay in aan wax toojar ah lagu samayn dhalinyarada loo soo xidhay kiiskii Cabdinaasir Dahable, CID-na aanay weligeed samayn jirdil. Laakiin xildhibaanadii shalay galab booqday maxaabiistu waxa ay indhahooda ku soo arkeen tacaddi iyo jidhdil” ayuu qoraalkiisa ku yiri Senator Dubbe.

Ad

Wuxuu intaas ku daray in qaar kamid ah dhalinyarada maxaabiista ahi ay xildhibaanada hortooda ka sheegeen wixii ay u geysteen ragga hor fadhiya ee CID du, taasoo ah sida uu yiri wax laga argagaxo.

“Arrinkani ma’aha mid la’ aqbali karo, waxaanay ka hor imanaysaa dhammaan xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah. Waana arrimo ay ka dhalanayaan ciqaab culus oo sharciyadeed” ayaa ka mid aha qoraalka Cusmaan Dubbe oo ka mida siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ka mida Golayaasha dowladda Federaalka.

Dhowaan ayey ahayd markii odayaasha Somaliland ay arrintan ka hadleen iyadoo ku eedeeyay Hay’adda NISA inay tacadiyo u geysteen dhalinyarrada kasoo jeeda Somaliland ee xiray kiiska Dilka C/naasir Dahable.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON