Friday, May 17, 2024

Madaxweynaha Ereteriya oo si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Addis ababa [Daawo Sawirro]

Madaxweynaha Eritrea Isias Afewerki ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya markii ugu horraysay muddo ka badan 20 sano. Booqshadiisa ayaa jawaab u ah tii uu todobaadkii hore Eritrea ku tegey ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Socdaalkiisa ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato isku soo dhoweynta xiriirka labada dal oo labaatankii sano ee la soo dhaafay aad u liitay. Xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal ayaa go’naa tan iyo wakhtigaas, waxaana sidoo kale kala irdhoobay qoysas wada dhashay ama xidid ahaa. Xurguftii labada dal dhex martay ayaa noqotay mid gobolka ku fidday.

Tan iyo markii uu dhowr bilood xukunka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, Itoobiya waxaa ka socday isbeddello siyaasadeed iyo kuwo milateri, wuxuuna sidoo kale isku dayayey inuu dib u hagaajiyo xiriirka uu dalkiisu la leeyahay waddamada gobolka.

Ad

Eritrea iyo Itoobiya waxaa u dhexeeyay colaad dhanka xadka ah tan iyo sannadkii 2000 markaasi oo heshiis nabadda ah lagu joojiya dagaalka oo tobbonaan kun oo qof lagu dilay.

Guddiga soo kormeero deegannada xadka ah ee lagu muransan yahay ayaa la sameeyay kaddibna waxaa laga la saxiixday heshiis magaalada Badme lagu siiyay Eritrea halka Itoobiya ay diiday inay aqbasho in magaaladaasi lagu wareejiyo Eritrea.

ilaa xilligii uu Abiy Axmed uu Ra’iisul wasaare Itoobiya ka noqday wuxuu billaabay isbaddalo cusub. Wuxuu kulan magaalada Asmara kula qaatay madaxweynaha Eritrea halkaaso ay heshiisyo dhowr ah ku kala saxiixdeen.

- Advertisement -

Labada hoggaamiye waxay sheegeen inay ka shaqaynayaan sare u qaadidda arrimaha dhaqaalaha labada dal iyo xoojinta xiriirka dublumaasiyadeed.

Waxaa markii ugu horreysay laisugu furay khadadka telefoonada labada dal tan iyo sannadkii 1998-kii, dadweyanaha labada dal ayaa soo dhaweeyay tallaabada isgaarsiinta labada laisku furay, waxayna durbadiiba billaabeen inay wacaan eheladooda kala joogo labada dal.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON