Friday, May 3, 2024

Taliyihii Ciidamada ee laga soo celiyay Magaalada Kismaayo oo ka degay Magaalada Garbahaarey

Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka maamulka Jubbaland ay kasoo celiyeen magaalada Kismaayo ayaa ka degay maanta gelinka dambe gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Wafdiga taliyaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha Guutada 10-aad ee xoogga dalka, Maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada, isagoo salaan sharaf ka qatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Waxa lagu wadaa in xafadii xil wareejinta ay Maalinta beri ah ka dhacdo  magaalada Garbahaarey.

Taliyaha Guutada 10aad ee Xoogga Dalka Maxamed Cali Caddow ayaa uga warbixiyay taliyaha cusub xaaladda ay ku suganyihiin ciidmada, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta taliyaha.

Ad

Taliyaha cusub qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka ee ka howgalla Jubbooyinka iyo Gedo Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inuu u yimid Gobolka sidii uu u dardargelin lahaa ciidamada ka howlgalla Jubooyinka iyo Gedo.

Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf dibadda u soo baxay oo ku saabsan arrimaha ciidamada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON