Friday, May 17, 2024

John Kerry oo maanta tegaya Muqdisho & Ciidamo Mareykan ah oo la wareegaya garoonka Aden Cadde

Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka oo socdaal ku maraya Bariga Afrika ayaa lagu wadaa inuu maanta socdaal ku yimaado caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Socdaalka Kerry ee Muqdisho ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee wasiir arrimo dibadeed reer Mareykan ah ku yimaado Soomaaliya muddo ka badan 25 sanadood.

Booqashada John Kerry ee Muqdisho ayaa la sheegay inay noqon doonto mid saacado kooban qaadata oo aanu gudaha magaalada soo geli doonin wafdigiisa, balse kulamada uu la yeelanayo madaxda dowladda Federaalka ay ka dhici doonaan garoonka diyaaradaha Muqdisho degaanka Xalane ee sida weyn loo ilaaliyo.

Kerry-som

Ad

[ad name=”HTML-1″]

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo xubno ka tirsan golayaasha wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa la kulmi doona wafdiga wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, iyagoo ka wadahadli doona xaaladda Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

Ciidamo Mareykan ah oo tiradoodu boqolaal tahay ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo la filayo in ciidamo kale ay la socon doonaan wafdiga wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, waxaana ammaanka garoonka diyaaradaha la filayaa inay la wareegaan ciidamada Mareykanka inta uu halkaas joogo wasiirka.

- Advertisement -

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

- Advertisement -

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON