Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku qasbanaaday inuu Muqdisho u tago si uu ula kulmo wasiirka arrimaha dibadda Mareykankana John Kerry oo maanta booqanaya Muqdisho kadib markii uu ku fashilmay dadaal uu u galay inuu Kerry kula kulmo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
[ad name=”HTML-1″]
C/weli Gaas oo hore saxaafadda u shaacisay inuu socdaal ku tegayo dalka Talyaaniga ayaa ku hakaday magaalada Nairobi oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed isagoo ka codsaday inuu Nairobi kula kulmo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, balse arrintaasi ay ka hor timid safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo sheegtay inuusan jadwalka Kerry ee Nairobi ka mid ahayn la kulanka hogaamiyeyaal ka socda Soomaaliya.
Arrintaas ayaa C/weli Gaas ku qasabtay inuu Soomaaliya dib ugu soo laabto, welibana tago Muqdisho si aysan u seegin la kulanka John Kerry, lamana oga in safarkiisii Talyaaniga uu dib ka tegi doono iyo inuu sidaasi ku dhammaaday.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]