Friday, May 17, 2024

Itoobiya oo xiisad diblomaasiyadeed ka dhex dhalisay Masar iyo Suudaan [Sudan oo safiirkeedii u yeeratay]

Itoobiya ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuurtay dalalka Masar iyo Suudaan, taasoo keentay in dowladda Suudaan ay u yeerato safiirkii ka joogay magaalada Qaahira.

Arrintan ayaa salka ku heysa warbixin ay qoreen saxaafadda dalka Kenya ee dowladda Itoobiya ku dhow oo ku saabsan in Masar ay Itoobiya u gudbisay codsi qoraal ah oo ku saabsan in Suudaan laga reebo wadahadalka saddex geesoodka ah ee ku saabsan Webiga Niil, taas bedelkeedana Bankiga Adduunka uu dalalka Masar iyo Itoobiya dhexdhexaad u ahaado.

Warkan ayay saxaafadda Itoobiya ka soo xigatay ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya, kadib markii uu Adis ababa booqday Wasiirka Arrimaha dibadda Masar Kamaal Ganduur.

Ad

Dowladda Suudaan ayaa shalay dib ugu yeeratay safiirkii u fadhiyey dalka Masar iyadoo wadatashi kala yeelan doonta xaaladda soo korortay, waxaana jira warar ku saabsan in hub ay leedahay Masar la geeyay saldhig milateri oo Ereteriya xuduudka Suudaan, halka uu sii xoogeystay weerarrada ay isku hayaan saxaafadda labada dal kadib booqashadii Madaxweynaha Turkiga ee Suudaan.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON