Friday, May 17, 2024

Faahfaahin: Dagaalkii Jicibow oo lagu laayey Alshabaab iyo Tiro badan oo lagu go’doomiyay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka Gobolka Hiiraan ayaa Guul ka sheegtay dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka degaanka Jicibow ee duleedka Buuloburte, Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo bioloday saaka markii ay maleeshiyo badan oo Alshabaab ah ka gudbeen webiga si ay u weerarraan Yasooman, balse dagaal culus ayaa qabsaday, waxaana la sheegay in weerarkooda laga war helay loo loo sii diyaar garoobay.

Dagaalka ayaa socday maanta oo dhan, waxaana gabalka u dhacay maleeshiyo Alshabaab oo go’doon ku jirta iyo qasaare aad u fara badan oo dagaalku dhaliyey, kaasoo u badan dhinaca Alshabaab, iyadoo tirada dhimashada iyo dhaawaca ay sii kordhayaan.

Ad

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ilaa 90 Alshabaab ah lagu dilay dagaalkii Jicibow, dhaawacuna intaas ka badan yahay, balse ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay. Alshabaab ayaan weli ka hadlin dagaalkan qasaaraha badan kasoo gaaray.

Rasaas goosgoos ah ayaa ilaa caawa laga maqlayaa degaanka Jicibow oo lagu hareereeyay qaar ka mida Maleeshiyada Alshabaab, waxayna ku jiraan Webiga jiinkiisa ah oo ay ku go’doomeen xilli ay doonayeen inay ka tallaabaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON