Thursday, May 2, 2024

Xasan Sheekh oo baabi’iyey Guddiyadii uu magacaabay Farmaajo xilligii kala-guurka (Akhriso)

Madaxtooyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacisay wareegto Madaxweyne oo lagu baabi’iyey xeerar uu hore usoo saaray madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu dhisay Guddiyadii Adeegga Garsoorka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa rrintan sabab uga dhigay inuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare, kaasoo laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo Xeerarka waafaqsan.

“Madaxweynaha wuxuu Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la-dagaallanka Musuqmaasuqa” aya lagu yiri wareegtada.

Ad

Wareegtada ayaa lagu sheegay in ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowladnimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa.

Abshir Bukhaari: Guddiga La-dagaalanka Musuqa waa mid ku dhisan Sharci-darro, Musuq iyo rabitaanka Farmaajo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in la baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.

- Advertisement -

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON