Thursday, May 16, 2024

Dowladda Somaliya oo shaacisay inay 100 Alshabaab ah ku dishay Dagaalkii Galcad

War kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in dagaalkii Galcad ee saaka lagu dilay in ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Alshabaab.

Qoraal ay faafisay Warbaahinta dowladda ayaa lahu sheegau inay Alshabaab eerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan la xoreeyay.

“Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay”.” ayaa lagu yiri Warka Dowladda Federaalka.

Ad

Qasaaraha ciidamada Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay dagaalka uga dhinteen 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Guutada Danab, isla markaana Goobta lagu dagaalamay ay si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxay dowladda federaalka waxay u mahad celisay Saaxiibada Caalamiga ah oo gacan ka gaystay jabinta iyo duqeynta maleeshiyaadkii Khawaarijta.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa dagaalkii Galcad ka sheegtay guul ah inay ku dishay in kabadan 150 askari, ayna ku qabsaday 30 Gawaarida dagaaka ah. Weli ma jirto cida madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha laba dhinac ee dagaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON