Thursday, May 2, 2024

Faahfaahin: Weerarkii Alshabaab ee Galcad iyo Taliye xigeenkii Danab oo lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerarkii ay saaka maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud oo dhowaan lagala wareegay.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo is-miidaamin aha ayaa aroortii lala beegsaday ciidamada dowladda ku suganaa magaalada Galcad, waxaana kadib goobta ka dhacay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo lagu dilay Taliye ku xigeenkii ciidamada kumaandoska Danab.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus oo qaatay muddo ayaa intiisa badan ka dhacay xarumaha ay ciidamada ka degaan agagaarka Magaalada Galcad, waxaana ku dhintay Taliye ku-xigeenka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure), askar iyo maleeshiyo badan oo ka tirsan labada dhinac.

Ad

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab, balse Alshabaab ayaa sheegtay guul weyn oo ah inay dishay in ka badan 150 askari oo Danab iyo Gorgor ah, ayna qabsaday Hub iyo Gaadiid fara badan.

Gurmadyo cirka iyo dhulka ah ayaa gaaray magaalada Galcad ee weerarka culus ay Alshabaab ka geysteen, waxaana la sheegay in ciidamada Alshabaab ee weerarka ka qeyb qaatay lagu daba jiro.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in weerarka ay dhinacooda ka dhinteen 7 askari, oo uu ku jiro sargaal sare, sidoo kalena Dowladda ayaa sheegtay in dhanka Alshabaab ay ka dishay ilaa 100 dagaal yahanadooda ah.

- Advertisement -

Waxaa Baraha bulshada qabsaday tacsida iyo ka fal celinta weerarka Galcad oo mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo dad badan ay dhaliieen sida aan looga hortegin weerarrada Alshabaab ee sida isku midka ah mar kasta. dhaca.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON