Friday, May 17, 2024

Dowladda Somalia oo min Hal Milyan oo Doolar u fasaxday Maamul Goboleedyada & G/Banadir [Jubaland oo ka mida]

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday lacag ay Midowga Yurub ugu talogaleen Maamul Goboleedyada dalka iyo G/banaadir, tasoo ka timid deeq uy Midowga Yurub kab Miisaaniyad ahaan u siiyey dowladda Somalia.

Fasaxida lacagtan oo ka danbeysay shirka Addis ababa ku dhex maray wasiirada Maaliyada dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta Hay’adda Cagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa maamul Goboleed kasta waxa ku soo beegmaya Hal Milyan oo Doolar, lagana rabo xisaab celin, sida ay u isticmaaleen.

Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40%  deeqda miisaaniyad kabidda ee laga helay Midowga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ad

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in si degdeg ah ku soo diro warqad codsi ah oo lagu caddeynayo in lacagtan loo isticmaalayo sida ku cad warqadaan iyo balan-qaad ku aadan in xisaab celin buuxda in laga soo celinayo muddo 45 cisho ah kaddib, marka la isticmaalo lacagtan.

Maamulka Jubbaland oo aysan aqoonsaneyn dowladda Soomaaliya ayaa ka mida maamul Goboleedyada helaya lacagtan, waxaana xusid mudan in wasiirka maaliyadda Jubbaland uu ka mid ahaa wasiiradii maamul Goboleedyada ee ka qeyb galay shirkii Addis ababa.

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON