Friday, May 3, 2024

Faahfaahin: Weerar Alshabaab ku qaaday saldhigii Milateriga ee Ceel-Saniini [Alshabab oo sheegatay inay qabsadeen..]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo Maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada milaterga Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Ceel-Saliini, degmada Awdhgeele ee duleedka magaalada Marko, Gobolka Shabeellaha Hoose.

Alshabaab ayaa sheegtay inay cagta mariyeen saldhigaasi, isla markaana ay muddo la wareegeen, iyagoo qasaare ba’an gaarsiiyey ciidamadii ku sugnaa, ayna kui qabsadeen gadiid dagaal iyo kuwa xamiil oo gaaraya lix baabuur, oo ay ka mid ahaayeen kuwo ay saaran yihiin qoryaha lidka diyaaradaha.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u celiyeen weerarka Alshabaab, ayna iska difaaceen iyagoo jab xoog leh gaarsiyeen maleeshiyaadkii ka tirsanaa Alshabaab ee weerarka soo qaday, waxayna intaas ku dareen inay degaanka Ceel Saliini si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iayna halkaasi ka wada howlgalo lagu baacsanayo kooxihii weerarka soo qaaday.

Ad

Dadka deganaka ayaa laga soo xigtay inuu dagaal xoog leh dhex maray labada dhnac, iyadoo dagaalku ahaa mid gaadmo ah oo saaka waaberigii hore dhacay, laakiin ma jirto cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay sheegashada labada dhinac.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON