Friday, May 17, 2024

Sacuudiga oo shaaciyey in 18 diyaarad Drone ah & 4 Gantaal lagu weeraray Xarumihiisa Shidaalka [Sawirro]

Dowladda Sacuudiga Sacuudiga ayaa Goor dhoweyd shaacisay in diyaaradihii Drone-ka ahaa ee lagu weerarray xarumaha shidaallka dalkaasi aysan ka imaan dalka Yeman, isla markaana ay ahaayeen diyaarado lagu sameeyay dalka Iiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga Turki Maaliki oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Sacuudiga uu weli baaritaan ku hayo goobta dhabta ah ee laga soo diray diyaaradaha weerarka ku qaaday xarumaha Shidaalka Bariga Sacuudiga ee Abqaiq, wuxuuna intaasi raaciyay wixii go’aan ah in la soo sheegi doono balse aysan ahayn weerar ay ka danbeeyeen Xuuthiyiinta Yeman, wuxuuna soo bandhigay haraaga diyaaradaha weerarka geystay.

Afhayeenka ayaa sheegay in xarumaha shidaalka Sacuudiga lagu weeraray 18 diyaaradood oo kuwa Drone-ka ah iyo afar Gantaal oo nooca Cruize-ka ah, waxayna ka yimaadeen sida uu yiri dhinaca Waqooyi, balse sooma hadal qaadin dalka ka danbeeyay, markii la weydiiyey inay Iiraan ka danbeyso ayuu sheegay inay weli baaritaan wadaan oo ay soo sheegi doonaan waqtigeeda.

Ad

Afhayeenka ayaa sheegay in ciddii ka dambeysay weerarradaasi ay jawaab ka heli doonto Sacuudiga, wuxuuna ku eedeeyay dalka Iiraan inay taageerto kooxo argagixiso ah sida Xuuthiyiinta, ayna halis ku heyso amniga Gobolka iyo kan caalamka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON