Thursday, May 2, 2024

Sacuudiga oo shaacinaya Ciddii ka danbeysay Weerarkii lagu qaaday xarumihiisa Shidaalka [Iiraan miyuu weerari doonaa?]

Sacuudiga ayaa sheegay inuu shaacin doono maanta ciddii ka danbeysay weerarkii lagu qaaday xarumaha laga soo saaro shidaalka dalkaasi oo sababay inuu hoos u dhaco kala bar shidaalkii uu Sacuudiga soo saari jiray oo gaaraya 5.7 Milyan oo Fuusto.

Weerarka oo lagu geystay 10 diyaaradaha Drone-ka ah ayaa waxa sheegtay kooxda Xuuthiyiinta Yeman, laakiin Mareykanka ayaa ku tuhmay in Iiraan ay ka danbeysay, waxaana dowladda Sacuudiga ay hore u sheegtay in hubka la adeegsaday watay calaamadaha dalka Iiraan oo uu ahaa hub ay Iiraan sameysay.

Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay inuusan is-difaaci karin iyo sida ay beylah u yihiin xarumaha muhiimka ah ee laga soo saaro shidaalka dalkaasi oo dhaqaalaha Boqortooyada uu ku tiirsan yahay, waxaana sirdoonka Mareykanka laga soo xigtay in diyaaradaha weerarka geystay ay ka duuleen Iiraan ama Ciraaq.

Ad

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo culeys weyn saaran yahay ayaa xiriiro fara badan la sameeyay madaxda calamka, wuxuuna telefoonka kula hadlay in ka badan 10 madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare oo ay ka mid yihiin madaxda Mareykanka, Ruushka, Faransiiska, Koonfurta Kuuriya, Ingiriiska, Germany, Talyaaniga iyo dalal kale, waxaana la sugayaa go’aanka uu qaadan doono.

Sacuudiga ayaan laga cabsi qabaa inuu ka gaabsado eedeynta Iiraan, taasoo haddii uu ku dhaqaaqo ay qasab ku noqoneyso inuu tallaabo milateri oo aargudasho ah qaado. Mareykanka ayaa hore isaga dhowray inuu dagaal toos ah la galo Iiraan, waxaa Sacuudiga u muuqdaa inuusan ku degdegi doonin Iiraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON