Friday, May 17, 2024

DEGDEG: Alshabaab oo dagaal Culus kula wareegay Xaruntii Degmada & Saldhigga Balcad [Wararkii ugu danbeeyay]

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay dagaal culus saaka ku galeen degmadaasi.

Weerar dhowr jiho ay ka soo qaadeen ayaa la sheegay inay maleeshiyo fara badan oo ka tirsan Alshabaab u suuragashay inay gudaha u galaan degmadaasi markii ugu horeysay muddo 10 sano ah, waxaana halkaasi ka dhacay  dagaal dhex maray ciidamada dowladda, AMISOM iyo maleeshiyada weerarka soo qaaday.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab ay qabsadeen xaruntii degmada Balcad iyo Saldhigga degmadaasi, iyadoo dadweyne fara badan ay ka firxadeen magaalada kadib rasaas culus oo dhowr jiho uga timid.

Ad

Ciidamada AMISOM ee degan xarunta Warshadii Balcad ayaa qeyb ka noqday dagaalka, waxaana dadka degaanka sheegeen in weli xaaladu kacsan tahay..

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON