Friday, May 3, 2024

XOG: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo saaka ka soo duulay dalka Imaaraadka Carabta & Xaalad ku qabsatay

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa saaka ka soo duulay magaalada Abu dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, isagoo ku soo jeeda magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo magaalada Dubai ayaa sheegaya in wafdiga Ra’iisal wasaaraha oo booqashadoodii dalka Imaaraadka ay dhammaatay habeen hore Arbacadii inay qabsatay xaalad keentay dib u dhac ku yimid dib u laabashadooda.

Arrintan ayaa ka dambeysay cilad ku timid diyaaradii la filayay inay dalka Imaaraadka ka soo qaado, waxaana shalay lagu waday inay ku laabtaan Muqdisho, iyadoo la diyaariyey dadkii soo dhoweyn lahaa oo tegay garoonka balse ay ciladda diyaaradda ay keentay inay dib u dhacaan.

Ad

Dad badan ayaa shaki ka muujinaya dibu dhaca soo laabashada wafdiga Ra’iisal wasaaraha iyo heshiiska ka dhacay dalkaasi ee dowladda Itoobiya si rasmi ah loogu daray maamulka dekadda Berbera oo lagu soo beegay xilli uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku sugnaa isla magaalada heshiisku ka dhacay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhinaca kale sharci darro ku tilmaantay heshiiskaasi, iyadoo qoraal ka soo baxay wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda lagu sheegay inaysan dowladda Soomaaliya qeyb ka ahayn heshiiskaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON