Friday, May 17, 2024

Ciidamada Imaaraadka oo Qabsaday Jasiirada Socotra ee Istiraatiijiga ah dalka Yeman & Xog laga helay [Sawirro]

Imaaraadka Carabta ayaa qabsaday Jasiirad Socotra ee dalka Yeman oo ku dhow Xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya, ahna jasiirad istaariiji ah.

Imaaraadka ayaa ciidamo fara badan oo ku gubeysan  gawaarida gaashaaman geeyay jasiiradaasi oo ah mid taariikhi ah oo Yeman leedahay, waxaana warar kala duwan kasoo baxeen ujeedka Imaaradka ka leeyahay inuu la wareego jasiiradaasi.

Diyaaradaha xamuulka ee ciidamada Imaaraadka ayaa jasiirada geeyay ciidamo iyo hub xoog leh oo gaaraya 100 askari, waxaana la soo weriyey in tallabada Imaaraadka aanay la socon xukuumadda Yeman oo ku tilmaantay sharci darro.

Ad

Ciidamada Imaaraadka ee qabsaday jasiirada Socotra e Yeman ayaa la wareegay garoonka iyo dekadda jasiiradaasi, waxayna halkaasi ku xayireen una diideen inuu ka dhoofo jicmihii ra’iisal wasaaraha Yeman Axmed Cubeyd Nin Dagr iyo 10 ka mida golaha wasiirada Yeman.

Xogta a helay ayaa sheegeysa in Imaaraadka isku ballaarinayo Badda cas iyo degaanada ku xeeran oo ujeedkiisu yahay inuu la wareego dekadaha iyo marinada Badda Cas e muhiimka ah.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON