Saturday, May 18, 2024

C/weli Gaas oo Weerar kale ku qaaday Madaxda Dowladda Federaalka “Dowladnimadda waxay kusoo arurtay Facebook”

Madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa weerar ku qaaday hab-dhqanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo go’aanadeeda siyaasadeed.

Isagoo Khudbad ka jeediyay furitaanka Shirka maamul goboleedyadda ee ka furmay Magaalada Baydhabo ayuu shegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hareer martay qodobo badan oo hore loogu heshiiyay, isla markaana isku koobtay dhaqaalihii dalka.

Madaxweyne Gaas in dowladda Soomaaaliya loogana baahan yahay inay la timaado isbadel dhan walba ah, laakiin aysan ku Mashquulin waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna hadalkiisa sii  raaciyey: “Dowladnimadda waxay maanta kusoo aruurtay Facebook”

Ad

Madaxweyne Gaas ayaa ku adkeysatay sheegay in Maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan tallaabooyinka Masiiriga ah ee Dowladda Soomaaliya qaadeyso oo aysan keligeed go’aan iska gaarin, talo-na ay ku leeyihiin sidii dalka loo hoggaamin lahaa.

Wuxuu sheegay in Maamul Goboleedyada ay gacanta ku hayaan 95% dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in waliba ay dowladda federaalka kala tashato, halka dowladda ay joogto oo kaliya magaalada Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON