Mareykanka ayaa ku dhaqaqaay tallaabadii uu safaaradiisa ugu soo raray magaalada Qudus, iyadoo Safaaradda cusub ee Mareykanka ayaa si KMG ah looga furayo dhismaha Qunsuliyadda Mareykanka ee Jerusalem.
Goobtaas ayaa safaaradda sii ahaan doonta inta laga helayo goob laga dhismo safaarad cusub, kadib markii madaxweyne Trump uu amray in laga soo raro magaalada Tel Aviv oo caro weyn ka dhaliyay dhulka Falastiin iyo dadka Muslimiinta ah.
Wararkii ugu danbeeyay aya sheegaya in Ciidamada Israel ayaa toogasho ku dileen 16 qof Falastiini ah, Boqolaal kalena ku dhaawaceen xudduudda marinka Gaza oo kumanaan qof ay isugu soo baxeen, si ay uga mudaaharaadaan furitaanka safaaradda Mareykanka ee magaalada Qudus, waxaana loo adeegsaday rasaas.
Kooxaha caafimaadka ayaa xaqiijiyey khasaaraha nafeed ee dhacay maanta, kuwaas oo ah kuwii ugu dambeeyey lix toddobaad oo dibadbaxyo rabshado wata ay galaaftaan nolosha 40 qof oo Falastiiniyiin ah.
Dadka ka qeyb galaya furitaanka Safaaradda Mareykanka ee Qudus waxaa ka mida Gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Ivanka Trump iyo ninka qaba Jared Kushner iyo madax kale.
Ka sokow diidmada furitaanka safaaradda Mareykanka, Falastiiniyiinta ayaa ka dibadbaxaya musiibadii dhacday 1948-kii, markaas oo boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah laga barakiciyey guryahooda, kadib aasaaskii Israel.