Tuesday, May 21, 2024

Abiy Ahmed oo Qeylo-dhaan soo saaray “Itoobiyaanka waa inay Hubka qaataan oo ka hortagaan TPLF”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa caawa soo saaray baaq aan hore loo arag, isagoo dadkiisa ugu baaqay inay joojiyaan howl kasta oo ay hayaan ayna u qalab qaataan ka hortagga kooxda TPLF.

Qoraal uu soo saaray ayuu dhammaan dadka Itoobiyaanka ugu yeeray inay joojiyaan howl maalmeedkooda ayna soo qaataan wax kasta oo hub ah oo ay awoodi karaan, si loo burburiyo, loona joojiyo dagaalka ay wado kooxda TPLF oo uu ku tilmaamay argagixiso dooneysa inay burburiso dowladda Itoobiya.

Dhammaan dagaalladii ay soo qaadeen TPLF ayuu sheegay in lagu jebiyey, lagana hortegay, wuxuuna ku dhaartay inay ka adkaan doonaan argagixisada Tigreega, sida uu yiri.

Ad

Arrintan ayaa timid kadib markii Jabhadda TPLF ay shalay iyo maanta qabsatay magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha, waxaana xaaladda uga sii markii ciidamada dowladda Itoobiya lagu jebiyey aaggaga dagaalka.

Gobolka Amxaarada oo xalad aadag wajahaya ayaa soo saaray amar xaalad degdeg ah iyo in la xiro dhammaan xafiisyada dowladda, lana joojiyo shaqooyinka, iyadoo dadka loo diyaarinayo inay dagaalamaan, kana hortagaan Jabhadda Tigray ee soo qabsatay magaalooyinkii Amxaarada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON