Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacabay guddi fuliya wareegtadii ilaalinta dhulka danta guud ee uu dhowaan soo saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.
Guddiga Rooble magacaabay ayaa laga shaaciyey afar wasiir oo ka mida xukuumadda xilgaarsiinta oo qaabilsan ilaalinta iyo ka hortagga in la masuqmaasuqo dhulalka danti guud, waxayna xubnaha guddigaas ay kala yihiin:
1- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Hishiinta Mukhtaar Xusen Afrax (Guddoomiye
2- Wasiirka Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur (Xubin)
3- Wasiirka Amniga Gudaha C/laahi Maxamed Nuur (Xubin)
4- Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare C/laahi Abuukar Xaaji (Xubin)
