Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabaneysa Doorashada Golaha Shacabka, iyadoo lagu wado in la doorto laba kursi oo ka mida 275-ta kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.
101 ergo oo hal beel ah ayaa dooran doona labada Kursi ee tirsayadoodu kala yihiin: Hop239 iyo Hop237, waxaase la yaab leh in la sii ogyahay xildhibaannada kusoo baxaya doorashadan oo aanu wax tartan ah oo ka dhici doonin labadaba kursiba.
Labada xildhibaan ee maanta kusoo baxaya Doorashada Golaha Shacabka ayaa kala ah: Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Biixi Iimaan Cige, waxaana la tartamaya Musharixiinta ay iyagu wataan.
Waxaa horumar loo arkaa inay maanta 1-da November 2021 bilaabato Doorashadii Golaha shacabka iyadoo muddo sanad ka badan dib u dhacday, dalkuna ku sigtay inuu qalalaase ku dhaco, waxaase laga deyrinayaa sida gaabiska ah ee ay ku bilaabatay Doorashada Golaha Shacabka.
Doorashadii Aqalka Sare ayaa qaadatay ku dhowaad 4 bilood, waxaana weli ka harsan 2 Senator oo aan weli laga soo dooran maamulka Galmudug.
