Saturday, May 18, 2024

Xukuumadda Soomaaliya oo War la filayey kasoo saartay Doorashada ka socota Hirshabeelle (War-saxaafadeed)

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa si buuxda loogu taageeray Doorashada ka socota Maamulka Hirshabelle.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay bogaadineyso shaqadii Guddiga Farmada soo qabteen iyo xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle oo shalay la dhaariyey, waxayna ku baaqday in la dhammeystiro hannaanka doorashada Hirshabeelle.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya oo uu wasiir ka yahay Mukhtaar Xuseen Afrax oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaan wax talo ah iyo shaqo ku lahayn doorashadii ka socotay magaalada Jowhar, waxayna taageeradan imaaneysaa iyadoo uu magaalada Jowhar maanta gaaray Madaxweyinihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Ad

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddiga Doorashada ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON