Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle oo shalay la magacaabay ayaa soo saaray jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labad.
Jadwalka ayaa waxaa lagu caddeeya in min hal maalin loo qoondeeyay qabashada araajida musharixiinta, hadal jeedinta iyo Doorashada, waxaana Doorashada Guddoonka oo ka kooban Guddoomiye iyo laba ku xigeen lagu doorayaa muddo saddex maalmood gudahood ah.
Doorashada Hirshabeelle ayaa si xowli ah ku socota iyadoo u muuqata mid aan u baahneyn olole oo mas’uuliyiintii xilalka qaban lahaa ay diyaarsan yihiin.

HOOS KA AKHRISO JADWALKA
