Wednesday, May 22, 2024

Xoghayaha guud ee Q/Midoobay oo Wakiil Cusub u soo magacaabay Soomaaliya [Akhriso waa kuma?]

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wakiil cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kadib muddo lix bilood ah oo xilkaasi uu bannaanaa, sida laga soo xigtay ilo ku sugan Xafiiska Q/Midoobay ee New York.

Wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa loo magacaabay James Swan oo ah diblomaasi Mareykan ah oo kasoo shaqeeeyay dalal badan oo Afrikaan, isla markaana hore u soo noqday ku xigeenak xoghayaha Arrimaha dibadda Maryekanka ee qaabilsan Afrika.

Wakiilka cusub ee Q/Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa dalkiisa Mareykanka safiir uga soo noqday dalalka DRC iyo Jabuuti, waxaana uu bedelayaa wakiilkii hore Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay markii ay ku eedeysay inuu ku gefay Qaranimada Somalia.

Ad

Xiriirka dowladda Somalia iyo Q/Midoobay ayaa xumaaday kadib eryidii Wakiilkii hore Mr. Haysom, waxayna Xoghayaha guud ee Q/Midoobay ku qaaday muddo lix bilood ah inuu dib u soo magacaabo wakiil cusub. Wuxuuna markan soo xulay diblomaasi kasoo jeeda dalka ugu weyn dunida oo aanay dowladda Somalia isku dayi karin inay erido ama ka hor timaado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON