Saturday, May 18, 2024

XOG: IGAD oo la wareegtay heshiisiinta Maamulka Galmudug iyo Ahlu Suna [Akhriso Qorshaha IGAD]

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in urur Goboleedyada IGAD  uu la wareegay dib u heshiisiinta laga dhex waday Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Ahlu suna ayaa ku wada sugan magaalada Nairobi iyadoo halkaas uga qeyb galaya shir ay IGAD qabanqaabisay oo ku saabsan sidii labadaas maamul ay isugu biiri lahaayeen uguna heshiin lahaayeen awood qeybsiga.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka wada dhoofau magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeday magaalada Magaalada Nairobi, si ay uga qeyb galaan shirka IGAD.

Ad

Urur Gobolleedka IGAD ayaa wada arrintan kala wareegay dowladda Federaalka oo shir ay isugu keentay labada dhinac lagu heshiin waayay, kadib markii Ahlu suna ay soo bandhigay shuruudo fara badan oo dhinaca kale ay ka biyo diideen.

Waxaa xusid mudan in arrintan ay imaaneyso iyadoo aan xal loo helin khilaafka madaxda sare ee maamulka Galmudug ka dhaxeeya oo dowladda federaalka ay ku dhex jirto. Wararka ayaa sheegaya in Ahlu suna ay aqabashay qorshe awood wadaag ah oo IGAD ay wadato kaasoo  lagu mideynayo labada maamul.

- Advertisement -

Shirka Nairobi kadib ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho ay ka socon doonaan shirka labada dhinaca ee lagu raadinayo heshiis keena inay isku biiraan labada awood ee ka jirta gobollada Dhexe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON