Sunday, May 5, 2024

Sheekh Umal oo War yaab leh ka sheegay is-casilaadii Wasiir Maryan Qaasim & Jawaab kulul oo ay bixisay

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo madax ka ahaa Guddiga taakuleynta Soomaalida Kenya ee dhowaan Muqdisho keenay lacag ay usoo ururiyeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Soope ayaa ka hadlay is-casilaadda Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Federaalka Maryan Qaasim Axmed.

Sheekha oo la weydiiyay inay wasiirada isu casishay lacagihii loo ururiyay dadka ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho oo aan iyada gacanta loo dhiibin oo guddi kale ay ku wareejiyeen ayuu sheekhu ku jawaabay jawaab kulul.

“Haddiiba shilimaad yar oo dad masaakiin ah loo wado ay isu casileyso in taasi shaqada laga eryo ayay ahayd…” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal, waxayna arrintan mowduuc shidan ka noqotay baraha bulshada.

Ad

Maryan Qaasim ayaa jawaab ay u dirtay Sheekh Umal, kuna qortay bogeeda twitterka waxay ku tiri: Sheikh Umal waxaan ku leeyahay: “ولا تقف ما ليس لك به علم إن السمع والبصر والفؤاد كل أولئك كان عنه مسئولا” “And do not pursue that of which you have no knowledge. Indeed, the hearing, the sight and the heart – about all those [one] will be questioned.” Surat Al-Isra..”

Jawaabta wasiirka hore ayaa ahayd aayad qur’aan ah, waxaana muuqata inay Sheekha kula hadashay luqad uu garanayo, inkastoo baraha bulshada lasoo dhigay hadalkii Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo la jarjaray, waxaase ka muuqatay in la weydiiyay inay isu casishay lacagtii ay u geyn waayeen Wasiiradda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON