Wednesday, May 22, 2024

XOG: Halkee ku danbeeyay C/kariin Qalbi-Dhagax? [Xildhibaan Fiqi oo xaqiiqo soo bandhigay]

Dowladda Soomaaliya ayaa afka ka xiratay inay ka hadasho halka uu ku danbeeyay C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo la sheegay inay Itoobiya u gacan gelisay.

ONLF ayaa xaqiijisay in sarkaalkan lagu wareejiyay Itoobiya, halka wararka saxaafadeed ay hore u xaqiijiyeen in laga dhoofiyay magaalada Muqdisho, waxaana dad badan la yaaban yihiin sababta keentay in dowladda Soomaaliya afka ka qabsato.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa codkiisa ku biirayay baaqyada loo dirayo dowladda oo ah inay meel ku sheegto sarkaalkan, wuxuuna xaqiiyay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heysay.

Ad

AKHRI QORAALKA XILDHIBAAN FIQI

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xogta la xiriirta C/karim Sh. Muuse (Qalbi Dhagax), waxaanse hubaa in subaxnimadii Jimcaha 25 August 2017 la keenay magaalada Muqdisho, si dhammaystiranna gacanta dawladda Soomaaliya uu u galay.

Waxaa hogaanka dawladda Soomaaliya looga fadhiyaa in C/xakin loogu yimaado, haddii uu danbi dalka ka galay in maxkamadaha dalka la saaro haddii kalena xorriyaddiisa dib loogu soo Celiyo.

Waxaan ku talinayaa in dawladdu geesinimo iska raadiso warna ka soo saarto arrinta Qalbi Dhagax, aamusnaanta dheeraatay waxey abuuraysaa shakki badan iyo fuleynimo aan u qalmin dawladnimada.

Warkii Dhibbane Qalbi Dhagax waxaa noo caddeeyey ONLF, ka dib markii ay dawladdeenii yaxyax la aamustay. waxaa noo eg inaan calanka Soomaaliya oo hoostiisa uu ammaan ka soo baday dhibbanahaas Balse ammaan galin waayey in muddo hoos loo dhigo, waana ceeb Soomaali oo dhan u soo hoyatey.

Sida aan ka warqabno wadamo badan oo adduunka ku yaalla ayuu C/karim nabadgalyo ku heli lahaa haddii uu aadi lahaa, waa ayaandarro iyo wax aan la eegan karin haddii Hal qof oo Soomaali ah loo gacan galiyey nidaam uu naftiisa kala soo cararay, ayadoo qawaaniinta adduunka iyo dastuurka dalkuba uu xaq u siinayo in uu Soomaaliya si xor ah ugu noolaado.

Ka xildhibaanno ahaan hawl weyn ayaa noo taalla, dalku kow ma joogo, waxaana soo kordhay arrimo qaamuuskaba aan noogu jirin =Xildhiban Fiqi=

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON