Friday, May 17, 2024

XOG cusub oo laga helay Lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho & Haweeneydii lahayd oo xiran

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Lacag lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 18-kii bishan April 2020.

Lacagtan oo markii ay saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliya isku dayeen inay siyaasadeeyaan oo ay shaaciyeen inay ku socotay mucaaradka Dowladda ayaa la ogaaday inay lahayd haweeney ganacsato ah oo markii looga yeeray Nairobi Muqdisho timid 19-kii April, kadibba ay Booliska xireen markii ay su’aalo weydiiyeen.

Haweeneyda lacagta iska leh ayaa lagu magacaabaa Saabiriin C/qaadir Isxaaq; waxayna gaareysaa Hal Milyan oo Dollar, iyadoo ka mida Ganacsatada caanka ee Dahabka suuqyada Bakaaraha iyo Islii, iyadoo lacagta lagu qabtay nin la shaqeeya oo gacanyare u ah.

Ad

Saabiriin iyo ninka gacanyaraha u ah ee lacagta waday ayaa hadda muddo 5 maalmood ah ku xirin xarunta CID-da ee magalada Muqdisho, iyadoo aan lacagtii ka bixin, xabsina lagu hayo, taasoo ay maanta war cad kasoo saareen beesha gabadhaasi kasoo jeedo.

Shir ay ku qabteen Muqdisho ayey Booliska iyo Hay’adda Dowladda ugu dalbadeen in lasoo daayo haweeneyda ganacsatada ah iyo lacagteeda, isla markaana aan la siyaasadeyn hantida ganacsiga ah.

Nabaddoon Muxyadiin Xasan Afrax oo ka mida odayaasha sida weyn u taageersan Madaxweyne Farmaajo ayaa dalbaday in lagu soo wareejiyo lacagta iyo dadka iska leh.

- Advertisement -

Beesha haweeneyda ganacsatada ah ee Saabiriin C/qaadir Isxaaq ayaa cabasho ka muujiyey qaar ka mida Booliska ka howlgala Garoonka Aadan Cadde’ waxayna dalbatay in shuruud la’aan loogu soo daayo haweeneyda.

Wararka ayaa sheegaya in Haweeneydan ganacsatada ah ay u xiran tahay Hay’adda NISA oo Booliska ku amartay inaan la sii deyn karin, waxaan lacagta ugu war danbeysay markii lagu qabtay garoonka Aaden Cadde ee Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON