Wednesday, May 22, 2024

XOG: Afarta Musharax ee u gudbi kara Wareega labaad ee Doorashada Madaxweynaha

Waxaa si xowli ah ku socda ollaha Doorashada Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee la filayo inay dhacdo bishan gudaheeda, iyadoo saadaal kala duwan laga bixiyey Musharixinta ugu cadcad.

Ololaha Doorashada ayaa intiisa badan hadda ka socda Baraha bulshada, siiba Facebook, waxaana kusoo biiray shalay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shaki la gelinayey inuu xilka mar kale doonayo.

Musharixiinta shaaciyey inay xilka madaxweynaha u taagan yihiin waa kuwii ugu tirada badnaa ee xilkan damac kasoo galo 30-kii sano ee ugu danbeeyay, waxaase la saadaalinayaa inay wareegga labaad u gudbaan xubnaha soo socda:

Ad

1- Shariif Sheekh Axmed; Madaxweyne hore iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad

2- Xasan Cali Kheyre: Ra’iisal wasaare hore

3- Maxamed C/llaahi Farmaajo: Madaxweynaha xilka banneynaya

- Advertisement -

4- Siciid C/llaahi Deni: Madaxweynaha Puntland

5- Xasan Sheekh Maxamuud: Madaxweyne hore iyo xildhibaan aan dhciin oo ka mida Barlamaanka Fedeeralka

6- C/raxmaan C/shakuur Warsame: Wasiir hore iyo xildhibaan Golaha Shacabka

7- Daahir Maxamuud Geelle: Wasiir hore iyo Safiir

- Advertisement -

8- C/qaadir Cosoble Cali

Musharixiintan shanta ugu horeysa waxaa lagu tirinayaa kuwa ugu horeeya ee tartanka ugu adag uu dhex mari doono, waxaana in wareegga labaad uu tegayo la hubaa Maxamed Farmaajo, balse lagu wado inaysan dhaafin codadkiisa 80 ilaa ugu badnaan 100 cod.

Siciid Deni wuxuu u taagan yahay inuu wreegga labaad taageero oo awoodiisa iyo codadkiisa ku biiriyo musharixii ugu cod bata ee aan ahaybn Farmaajo, waxayna u badna tahay inuu isbaheysi la sameysto Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Shariif oo doorashadii 2017 keligiis duul ahaa, si adagna uga horjeeday Xasan Sheekh ayaa Doorashada 2022 u muuqda musharax rajo badan leh oo xiriirsan kara kaalinta labaad, waxaana uu wajahayaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Xasn Kheyre iyo Xasan Sheekh, haddiise uu isbaheysi gelayo waxaa ugu dhow Xasan Kheyre.

Xildhibaannada taageersan Farmaajo ma cadda wareegga labaad ama saddexaad murashaxa ay taageeri doonaan, laakiin waxay uun kala dooran karaan Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre, taasoo ay ugu wacan tahay dagaalka adag ee kala dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Siciid Deni.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON