Friday, May 17, 2024

Xildhibaan Mahad Salaad oo Su’aalo ka keenay Sharciga uu saxiixay Madaxweyne Farmajo “10 Bilood ayuu barkanaa ee maxaa..?”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan xildhibannada Baarlamaanka Federaalka ayaa su’al ka keenay sharciga uu maanta saxiixay madaxweyne Farmaajo ee dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee la-dagaalanka Musuqmaasuqa.

“Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxweyne Farmaajo maanta saxiixay, Golaha Shacabka wuxuu ansixiyay 13 Nofeember 2017, Aqalka Sare wuxuu ansixiyay 05 Diseembar 2018. Kadibna Madaxweynaha ayaa loo gudbiyay si uu u saxiixo…” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo is weydiiyey: “Sharcigaan Madaxweyne Farmaajo 10 bilood ayuu barkanaa maxaa soo kordhay oo saxiixiisa maanta kusoo beegay?!

Wuxuu sheegay in mMdudo 10 bilood ah uusan Madaxweyne Farmaajo kusoo celin Goleyaasha Barlamaanka si wax looga badalo isla markaana aanu saxiixin. “Haddaba waxaa iswaydiin mudan: 1. Maxaa soo kordhay oo saxiixa sharcigaan maanta kusoo beegay? 2. Guddigaan malagu soo xuli doonaa aqoon, karti iyo waayo aragnimo mise wuxuu noqon doonaa gudi loogu talogalay doorashada 2021 si dadka qaar Madaxweyne Farmaajo looga reebo? 3. Madaxweynaha oo mudo xileedkiisa ay ka harsantahay sanad iyo afar bilood oo kaliya gudi uu soo dhiso maxaa wanaag ah oo laga filan karaa?” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo su’aalo badan ka keenay xilliga lagu soo beegay saxiixa sharcigan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON