Friday, May 17, 2024

Xaaladda Laas-caanood oo kasii dartay iyo ciidamada Somaliland oo ku dilay Oday Nabaddoon ah

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya inay sii xoogeysteen shaqaaqadii ka taagneyd magaalada, iyadoo salaadii Jimcaha kadib lagu dilay oday nabaddoon iyo Sheek ah lagu dilay.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen dad kasoo baxay Masjid Jaamaca magaalada Laascaanood, waxaaba dhaawacii soo gaaray u geeriyooday Oday Sheekh ahaa oo lagu magacaabi jiray Bidde Faarax Caalin.

Sidoo kale waxaa dhaawac kasoo gaaray dadweyne kale, iyadoo xaaladdu ay kacsan tahay, magaaladuna ay maalintii afraad xiran tahay, iyado wajaheysa kacdoonkii ugu weynaa ee dadka magaalada oo markii hore ka hor yimid xaaladda amniga iyo dilka haldoorka magaalada.

Ad

Ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa hadda wajahaya dadweynaha magaalada, iyagoo rasaas la dhacaya dadka, waxaana sii kordahya dadka ay ku dileen magaalada, taasoo xaaladda uga sii dartay.

Waxaa laga cabsi qabaa inay xaaladda faraha ka baxdo, waxaana magaalada Laascaanood ka taagan xaalad aan hore loo arag oo dadka magaalada ay diidan yihiin nidaamka Somaliland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON