Sunday, May 19, 2024

Xaalad Bani’aadamnimo oo taagan Gobolka Gedo iyo Dad ka barakacay isugu tegay Baardheere iyo..

Dad u badan Haween iyo Caruur oo ka barakacay duqaymaha diyaaradaha Kenya Gobolka Gedo & Abaaraha oo gaara Baardheere, Ceelwaaq & Garbahaarrey.

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan halkaasi ay isaga barakaceen guryahoodi, kaddib markii ay soo food saartay xaalad Banii’aadanimo oo aad uliidata.

Dadkaan oo u badan haween iyo caruur ayaa intooda badan isaga soo barakacay Deegaannada Deeraq, Faxfaxdhuun, Daarusalaam, Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar & Cowsqurun oo ka kala tirsan Degmooyinka Baardheere, Garbahaarrey & Beledxaawo ee Goboka Gedo, waxayna lug ku tageen magaalada Baardheere oo qiyaastii u jirta 250km halkii ay daganaayeen.

Barakacayaashan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ka soo hayaameen Xaalado Abaareed & duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, waxayna intaas ku dareen in laga laayey xoolihii ay dhaqan jireen, sidoo kalena laga jaray Isgaarsiintii ay ku tiirsanayd noloshooda.

Ad

Mid ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayaa yiri “Waxaa ka soo barakacnay nmabar koow deegaano kala duwan, anagoo ah dadwaynaha ku nool gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Deeraq, fax-faxdhuun, Daarusalaam Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar ayaa ka soo kala qaxnay. Dadkaas oo gaaraya 3000, illaa 4000 oo qoys lug ayaana ku soo galnay Baardheeere”.

Hooyooyin la hadlay saxaafadda ayaa intaas ku daray “Baardheere waxaa nagu haysata guri la’aan shalay ayaa u dambsay roob ayaa da’ayey ilmihii iyo dumarkii waa la isku qoyey, bac ma leh, wax lagu seexdo ma leh, guri la galaayo ma leh, dhibkaas ayaa na haysta allaha naga bad baadiyee”.

Geesta kale waxgaradka iyo odoyaasha ku dhaqan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan dadka loola soo gaaro gar-gaar banni’aadanimo, xilli saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii duunyadii ku dhaqaneed halkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON