Sunday, May 19, 2024

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo u jawaabay Wasiir Goodax. “Waxaa lagaa rabaa caddeyn..”

Wasiirka Waxbarashada maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan u jawaabay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahoi Goodax Barre oo magaalada Jowhar ka sheegag inuu fashilmau imtixaankii Puntland.

Wasiirka Puntland ayaa beeniyay jiritaanka hadalkii kasoo yeeray wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in imtixaankii shahaadiga Puntland uu sidii loogu tala-galay u socdo oo maalintii kowaad ee shalay uu ku dhammaaday si guul, aysana jirin hal meel oo dhibaato laga soo sheegay.

“Wasiirku isagaa laga rabaa in uu caddeeyo oo sheego meesha uu ku fashilmay, isagaa laga rabaa in uu keeno caddaynPuntland imtixaankeedii sidii loogu tala-galay buu u socdaa, maalintii kowaadna wuxuu ku dhammaaday si aad u sharaf leh meel dhibaato ka jirtayna ma jirto”. ayuu yiri Wasiir C/llaahi Maxamed Xasan oo wareysi siiyey mid ka mida idaacadaha ka howlgala Puntland.

Ad

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa furitaankii imtixaanka Puntland ee shalay ka sheegay in maado ka mida imtixaanka ay baxday, balse degdeg loo bedelay, taasoo wasiir Goodax hadalkiisa ula jeeday, halka dhinaca Puntland ay u arkeen weerar lagu qaaday imtixaankooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON