Sunday, May 19, 2024

Boqorka Sacuudiga oo Shirar degdeg ah isugu yeeray hoggaamiyeyaasha Dalalka Khaliijka iyo Jaamacadda Carabta

Boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa shir degdeg isugu yeeray madaxda Golaha iskaashiga dalalka Khaliijka iyo hoggaamiyeyaasha dalalka Jaamacadda Carabta.

Sida ay shaacisay wakaalada wararka Sacuudiga, iyadoo soo xigatay mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga Boqorka ayaa madaxda dalalkan ugu yeeray inay ka qeyb galaam laba shirweyne oo is xiga oo ka dhici doona magaalada barakeysan ee Maka Almukarama 25-ka Ramadaanka ama 30-ka bisha May.

Arrintan ayaa ka danbeysay xaalado kasoo kordhay dalalka Khaliijka, kadib markii Badda Imaaraadka Carabta lagu weeraray maraakiib ganacsi, isla markaana diyaaradaha Dron-ka ay weerar ku qaadeen laba xarumood oo shidaalka laga soo saaro dalka Sacuudiga, weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Xuuthiyiinta dalka Yeman.

Ad

Waxaa madaxda shirarkaasi ka qeyb geli doona ay ka wada hadli doonaan xaaladda amniga dalalka Khaliijka oo xilligan halis badan wajaheysa iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON